Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Wasiirka Amniga maamulka Israel, Ben-Gvir ayaa shil gaari ku dhaawacmay, waxaana loola cararay xarun caafimaad oo lagula tacaalayo xaalada wasiirkan dhaawacmay sida ay ku warameen warbaahinta Israel.

Gaari uu la socday Ben-Gvir ayaa la rogmaday, waxaama soo gaaray dhaawac fudud sida booliiska sheegeen, waxaana wasiirka xaaladiisa si deg deg ah ula tacaalayay koox la socotay oo usii gudbiyay goob caafimaad.

Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan shilkan gaari uu ku dhaawacmay wasiirkan xagjirka ah, mana jiro faah faahino badan oo booliiska kasoo saareen shilkan gaari ee wasiirka amniga ku dhaawacmay.

Wasiirka amniga Isreal ayaa la sheegay xilliga shilka uu galayay uu kasoo laabtay magaalada Ramle oo u dhow Tel Aviv , halkaas oo ka dhacay weerar toorey oo lagu dhaawacay haweeney 18-sanno jir ah.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA