Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay BBC-da iyo VOA.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay BBC-da iyo Voice of America, kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

“Waxaa BBC iyo VOA laga joojiyay baahinta wararka, waxaana la mamnuucay mareegaha labada hay’adood muddo labo toddobaad ah,” sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch (HRW) oo ah koox fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa ku eedeysay militariga Burkina Faso inay xasuuqeen ugu yaraan 223 qof oo rayid ah bishii February

Milatarigu waxa ay awoodda dalka ku leeyihiin galbeedka Afrika tan iyo sannadkii 2022-kii inqilaabkii. Hase ahaatee, illaa waqti xaadirkan ma aysan ka hadlin eedeymaha HRW.

Agaasimaha isgaarsiinta ee ciidanka oo ay soo xigatay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono BBC-da hadii iyo marka ay wax sheegaan.

Voice of America (VOA) waxay ku sheegtay “inay ku adkeysaneyso warbixinteeda ku saabsan Burkina Faso ayna ku talo jirto inay si buuxda oo cadaalad ah u tabiso hawlaha dalka”.

Sikastaba, Warbixinta HRW ayaa waxa ay sheegtay in militariga Burkina Faso ay 179 qof ku dileen Soro halka 44 kalena ay ku dileen tuulada Nondin ee ku taal waqooyiga dalkaas

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA