Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}MD Hirshabeele oo Maanta Booqday Xaruunta Hay,adda SODMA

Sabti -27-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kusoo dhaweeyay xarunta Hay’adda madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe}.

Ugu horreyn masuuliyiinta Hay’adda SODMA ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin guud oo ah sida ay u shaqeyso iyo howlaha ay horay uga fulisay deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa hadda u qorsheysan.

Maxamuud Macallin Cabdulle, guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee heer Dowlad-goballeed oo soo booqday xarunta Hay’adda.

“Ugu horreyn waan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhaweeyay xarunta SODMA, sida aad la socotaan Roobka Gu-ga ayaa ka curtay deegaanada Dowladda Hirshabeelle durba webiga ayaa fatahaad ka saameeyay deegaano ku dhow magaalada Jowhar wadajir inaan kaalin ugu qaadano ayaan rajeynayaa.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay masuuliyiinta iyo howlwadeennada SODMA qaabka ay ugu taagan yihiin garab-istaaga dadkooda dhibaateysan.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA