Isniin-13-May-2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Kahliif Ugaas Rooble oo noqonaya Ugaaskii 21-aad ee beesha Xawaadle ayaa maanta lagu caano-shubayaa deegaanka Daharo Ugaas oo ka tirsan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Ugaas Yuusuf ayaa badalaya aabihii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku geeriyeeday bishii Febraayo 2021.
Madax sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan caano-shubka Ugaaska, waxana magaalada Halgan maalmihii ugu dameeyay ku qulqulayay boqollaal qof oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, Duqa Baladweyne Cabdulaahi Salaad Iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha NISA Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo xubno ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne Si ay uga qeeyb galaan Caleema-saarka Ugaaska.
Saldanadda beeshan ayaa kamid ah kuwa ugu faca weyn dhulka Soomaalida, waxana si weyn reerka dhexdiisa looga ixtiraamaa Ugaaska markaas xukunka haya.



