Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dabley hubeysan ayaa muwaadin Afgaanistaan ah iyo saddex dalxiisayaal ajnabi ah ku dilay bartamaha gobolka Bamyan ee dalka Afgaanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Afar qof oo ajnabi ah iyo saddex Afgaanistaan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka Jimcihii markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Abdul Mateen Qani.






