{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Deegaanno dhawaan Lagu Dagaalmay

0
62

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo wadaag ahaa.

Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.

Si guud billawga gogosha ayaa la isla qaatay saddex qodob oo kala ah;

1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray deegaanno dhawaan labo beel ku dagaallameen 448183104 1021842069511900 1507139088995381201 n  447967628 1021841476178626 8845863511497503533 n447840165 1021842046178569 3990236236105544475 n441901849 1021844839511623 7033558594272840984 n 448260182 1021842089511898 5469429190792312 n 448349112 1021844782844962 5087583714725114792 n 448050345 1021841679511939 7736375698170852621 n 448106293 1021842099511897 7613936903257420640 n 448299841 1021844719511635 510129221561317859 n 448092808 1021844816178292 986816652703031837 n 448049848 1021844752844965 6736634030657129255 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here