RW Xamse oo Kormeer Ku tegay Deegaanka Daaru-Salaam ee Duleedka Muqdisho

0
58

Isniin june, 17 2024 (HMC) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, ayaa halkaas wakhti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here