Arbaco 19 June 2024 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti gelinkii dambe ee maanta,
Madaxweynaha waxaa dalkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saaxiib dhow la ah Xasan Sheekh.
Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan weyn oo arrimo badan ay uga wadahadleen, kuwaas oo quseeya labada dal.
Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in qodobada ay dul istaageen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu muhiimaanaayeen xiisadda gobolka ka taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxay waxay Xasan iyo Geelle ka wadahadleen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, bixitaanka ATMIS, qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xooji karo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Booqashada Jabuuti ayaa ah lugtii ugu dambeysay ee safar dheer oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagey dalalka Norway, Switzerland iyo Turkey.
Madaxweynaha ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan uu kula kulmay.
Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab.



