Booliska Puntland oo lasiiyay awaamiir ku aadan ilaalinta degaanka.

0
66

Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ay weheliyaan Agaasimayaasha waaxaha wasaaradda , wasiirka ayaana ugu horeyn furay kulankan booliska gobolada lagu faray in la ilaaliyo deegaanka , lana faafiyo sharciyada shuruucda Ilaalinta Deegaanka.

Kulanka ayaa looga golleeyahay in lagu fuliyo laguna baahiyo shuruucda ilaalinta iyo maaraynta deegaanka iyo si loo ilaaliyo deegaanka iyo bulshada.

Wasiirka wasaaradda deegaanka ayaa booliska gobolada kula dardaarmay in ay adeegsadaan shuruucda Ilaalinta iyo maaraynta Deegaanka si aan xal waara uga gaarno dhibaatooyinka deegaanka loo geysto , tan ayaa meesha ka saaraysa in deegaanka loo geeysto dhibaatooyin saameyn taban ku yeelan kara deegaanka iyo bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here