DFS oo Shacisay Shuruudaha Laga Rabo Macalimiinta Cusub oo aay Qaadaneyso Doowladda

0
143

Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Doowladda Fadaraalka Soomaaaliya

Ayaa Shaacisay Sharuudaha Laga Rabo Macalimiinta Cusub oo aay wasaradu Qaadaneeyso.

Hoos Ka Aqriso Sharuudaha Macalimiinta Cusub ee Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

 

๐. ๐’๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐จ ๐†๐ฎ๐ฎ๐:
Shuruudaha guud ee codsadaha looga baahanyahay waxaa ka mid ah in uu:
1. Heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
2. Ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af.
3. San lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, goโ€™aan qaadashadiisa ama sumcaddiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
4. Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayowyahay cudurrada la is qaadsiiyo, aanu lahayn iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
5. San horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
6. Daโ€™diisu u dhaxayso 22-60 jir.
7. Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
8. Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo goobta lagu qoro.
๐“. ๐๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐‡/๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž
Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karaa ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.
๐‰. ๐๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu haysto shahaadada kulliyada waxbarashada
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karaa, ugu yaraan, laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo
๐—. ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐—๐š๐ง๐š๐š๐ง๐š๐๐š
Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.
๐‚๐จ๐๐ฌ๐ข๐ ๐š:
Codsiga shaqada waa qaab online ah, iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:
๐‹๐ข๐Ÿ๐š๐š๐ช๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ค๐š ๐š๐ก:
1. Nuqul shahaaddada iyo xogta dhibcaha (transcript) heerka 1aad ee jaamacadda.
2.Nuqul taariikh nololeedka (CV) oo ku qoran Af Soomaali.
3. Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
๐…๐ข๐ข๐ซ๐จ ๐†๐š๐š๐ซ ๐š๐ก:
Gabdhaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay fursadahan ka faaโ€™iideystaan, Codsiyadoodana qadarin gaar ah la siin doono.
Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa, oo keliya, hal dalab, isaga oo ku caddeynaya halka degmo ee uu ka shaqeynayo.
๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐š ๐œ๐จ๐๐ฌ๐ข๐ ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ž๐ ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐š ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ“, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’. ๐’๐š๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐Ÿ๐ŸŽ:๐ŸŽ๐ŸŽ ๐๐Œ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here