Arbaco 31-July-2024 {HMC} Xildhibaanno iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Yaasiin Fareey qaybna ka yihiin Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta Gen. Cabdullaahi Cirro, Xafiiska Xeer Ilaalinta & mas’uuliyiin kale ee gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa billaabay kulamo lagu dardargelinayo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
Xubnahaan ujeedka socodkoodu waa dardargelinta kulamada looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda Degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug si ciidamadu u gaaraan tuulooyinka ay weli joogaan Shabaab.
Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & In kaalin ay ka qaataan intii awooddooda ah si loo dhiirrageliyo Ciidamada Iskaashanaya ee howlgalladaas wada.
Xeryaha Ciidanka Dowladda Federaalka & kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ay ku sugan yihiin ayay mid-mid u tagayaan wafdigaas isugu jira Xildhibaannada, Saraakiisha Ciidanka iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.



