Jimco 02 August 2024 {HMC} – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo warramayaa in toogasho lagu dilay maalintii ugu horreysay mudaaharaadyada magaalada Kano ee waqooyiga Nigeria.
Rasaas nool ayaa lagu arkayay goobta ay rasaastu ka dhacday. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah dadkii mudaaharaadayay kuwaas oo loola cararay isbitaalada.
Dowladda ayaan ka hadlin toogashada.
Kano iyo magaalooyin kale oo waaweyn oo dalka Nigeria ah oo ay ku jirto caasimadda Abuja ayaa waxaa ka dhacay dibad bax ballaaran oo ay ku doonayaan in dowladda ay wax ka qabato amni darrada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee sii kordhaya ee dalkaasi.
Mudaharaadkan waxaa soo abaabulay dhalinyarada reer Nigeria oo isticmaalaya baraha bulshada iyaga oo wata hashtag #EndBadGovernanceinNigeria, taas oo ay dhiiri galiyeen mudaaharaadyadii dhawaan ka dhacay Kenya.
Mudaharaadkan ayaa la filayaa inuu socdo muddo toban maalmood ah.
Iinkasta oo ay dawladdu codsatay in la joojiyo mudaaharaadka , haddana dibad-baxayaashu waxay ku adkaysanayaan in uu maamulku dib u soo celiyo kabistii shidaalka ee uu Madaxweyne Bola Tinubu laalay sannadkii hore.



