Maxaabiistii Mareykanka ee Ruushku sii daayay oo qoysaskooda la midoobay

0
65

Jimco 02 August 2024 {HMC} –  Saddex Ameerikaan ah oo lagu sii daayay heshiis jmaxaabiis is dhaafsi lala galay Ruushka, oo uu ka mid yahay weriyaha Joornaalka Wall Street Evan Gershkovich, ayaa dib cagta usoo dhigay carrada Mareykanka.

Mr Gershkovich, oo 32 jir ah, wuxuu ka mid ahaa 16 maxaabiis oo lagu beddeshay siddeed Ruushka u dhashay tanoo lagu tilmaamay maxaabiis is dhaafsigii ugu weynaa tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa ee dhex maray Ruushka iyo Galbeedka.

Maxaabiis is dhaafsigan oo ka dhacay saldhig ku yaalla Turkiga ayaa waxaa sidoo kale dadka la sii daayay ka mid ah Paul Whelan oo hore uga tirsanaa ciidamada badda Mareykanka iyo gabadhada weriyaha asalkeedu Ruushka yahay ee dhalashada Mareykanka heysata Alsu Kurmasheva.

Kadib markii ay soo cago dhigteen saldhigga Joint Base Andrews, oo ku yaalla Maryland, Mr Gershkovich, Ms Kurmasheva iyo Mr Whelan ayaa kasoo baxay diyaaradda iyadoo ay aad usoo dhoweeyeen qoysaskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here