Axad 11 Aug,2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa ka so baxaayo Labo Qarax Miino oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan kuwaas oo geysaty qasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa koobaad ayaa waxaa uu ka dhacay Bar koontarool oo ku yaalla Galbeedka degmada Jalalaqsi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Macwisleyda waxaana halkaas ku geeriyooday labo qof halka sadax kalana ay ku dhaawacmeen sida ay u sheegeen dadka deegaanka hiiraanweyn.
Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay isla meel aan ka fogeeyn Koontaroolka waxaana sidoo kale ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacan tahay labo kale,taas oo ka dhigeyso tirada dhimashada labada qarax 4 ruux iyo afar dhaawac ah.
Dadka ku dhawacmay waxaa la keenay isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu baxnaaniyo Xaaladooda Caafimaad.
Dhinaca kale Ciidamada ATMIS ee saldhiga ku leh degmada ayaa Hawada ka saaray Isgaarsiinta Magaalada Jalalaqsi sababo la xiriiro qaraxyadii maanta ka dhacay Dagmadaas.
Ciidamada ayaana Hada wado Howlgalo Amaanka Lagu xaqiijinayo. Maamulka degmada ayaana Sidoo kale ka hadlin khsaaraha ka dhashay labada qaraxa Miino ee ka dhacay Koontaroolka Galbeed ee degmada Jalalaqsi.



