Talaado 13 August 2024 {HMC} Dadka ku nool Xaafadaha Qaar ayaa bilaabay in ay sameeystaan Ciidamo Madani ah oo Habeenkii Xaafadahooda ka celiya Burcadka dhaca Magaalada Baladweyne ka wado Mudooyinkii ugu dambeeyay.
Dhalinyaro ku nool Xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Nuurxawaad ayaa sameeyay Ciidamo u gaar ah oo Habeen walba Wadooyinka Xaafadaha joogo, iyada oo meel walba oo Tuugo lagu sheego aadaya.
Daahir Cismaan Guuleed oo dhalinyaradan Kamid ah ayaa sheegay in Mudo 20 Cisho ah ay Abaabulkan wadaan, waxaana ayna intaasi ku dareeyn in Xaafada Laga dareemay isbadal Amni Habeenadan.
“ Anaga Askar dowladeed ma nihin, dad shacab ah oo qoryo qaatay ayaa nahay. Qofkii la aqoon ee Xaafada soo galo waan Hubinaa. Dhowr Habeen ayaan Tuugo xaafada ku aragnay waana ka saarnay Alxamdullaahi. Tuugada labo qof ama 1 qof waaye lakiin Anaga 10 qof ayaa nahay ugu yaraan.
Daahir ayaa sheegay in Xaafadan Tuugadan ay dhibaato weyn ku haysay inta aysan arintan sameeyn, Moobeelada ayaa laga qaadan jiray dadka. Iyada oo xitaa Ganacsiyada iyo guryaha loogu gali jiray taasi oo hada meesha ka baxday.
Ganacsiyada qaar ayaa Hada Habeenkii dib loo furay kadib markii wax laga qabtay Burcadkii Xaafadaha soo gali jiray Habeenkii. Dadka dagan Xaafadaha Kale ayey ugu baaqeyn dhalinyaradan in Ciidamo gaar ah oo kale Sameeystaan.



