spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Maxaas oo La kulmay Ciidamada Dowladda...

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Maxaas oo La kulmay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka.

0
88

Arbaco 14 August 2024 {HMC} Guddoomiyaha Cusub degmada Maxaas Ciise Maxamuud Cabdi (Waayeel) ayaa maanta booqday ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Difaacyada hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciise Maxamuud Cabdi Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku dhiirrageliyay difaaca degmada Maxaas iyo shaqooyinka Qaranka Soomaaliyeed u hayaan waxuuna u ballan qaaday in xilli walba uu garab istaagi doono waqtina uu la qaadan doono.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Mudane Ciise Maxamuud Cabdi ayaa sidoo kale xusay in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda aay heli doonaan bilado iyo garab istaag buuxo oo dowladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here