Dowlada Soomaaliya oo Digniin Ka soo saartay Cudur Halis ah

0
105

Khamiis 15 August 2024 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay qoraal ay bulshada Soomaaliyeed uga digeyso faafitaanka cudurka ama xanuunka Monkeypox , oo sidoo kale loo yaqaan Busbus.

Cudurkan ayaa hadda kusii faafaya dalal badan oo kuyaalla Qaarada Afruka, waxaana la sheegay in cudurkan hadda soo gaaray dalal ay ku jiraan Kenya iyo Uganda, waxaana jirta cabsi laga qabo in Soomaaliya soo gaaro kuna faafo.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaana bulshada Soomaaliyeed uga digtay cudurka Busbuska oo si fudud ku faafaya, waxa ayna dadka ka codsatay qofkii arka cudurkaasi in uu so degdeg ah ula soo xiiiro wasaaradda, waxaana dadka looga digay in ay u dhawaadaan qofka uu ku dhaco cudurkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here