Khamiis 15 August 2024 {HMC} La-Taliyaha Arimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyadda Maxamed Xasan Ibraahim Qoono oo wareysi gaara ah siiyay Hiiraan Ayaa sheegay in ay Muhiim tahay hal maamul oo wada ogol uga shaqeeya Magaalada Baladweyne.
Madaxda Hirshabelle oo kaashanaya Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay in ay qabtaan shir lagu dhameynayo dhibaatooyinka soo laa-laabtay ee Magaalada si Xal loogu Gaaro.
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka Hirshabelle ee hadda ugu magacaaban Gobalka Hiiraan si Amniga iyo kala dambeynta ay dib usoo laabtaan.
Dhinaca kalle Madaxda ugu Sareeyso Hirshabelle ayuu eedeeyay in Ku Xafladeynayaan Magaaladda Jowhar halka shacabka Baladweyne ay ku jiraan xaalad Amni xumo midii ugu darneed.
Warkaan kasoo baxay lataliyaha Madaxweyne Xasan sheeg ayaa kusoo Aadanaya xilli ay Socdaan Kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah oo xal loogu raadinayo Xaaladda Magaaladda Baladweyne.



