spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Xarun Cusub ka furtay Feer-Feer.

{DAAWO SAWIRADA} Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Xarun Cusub ka furtay Feer-Feer.

0
104

Khamiis 15, Aug 2024 {HMC} Waxaa maanta si rasmi ah Xariga looga jaray Xarunta Cusub ee Socdaalka iyo Jinsiyaddaoo dhawaan laga dhisaty Xaduudka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Ismaamulka Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Xarunta ayaa waxaa xariga  si wada jir ah uga jaray Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed  dhismaha bar-xuduudka Feer-Feer ee uu lawadaago Gobolka Hiiraan.

Goobta xarig jarka waxaa ku sugnaa Agaasimaha Laanta 5-Aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Ibraahim Xuseen Yuusuf Sheelare oo ah Masuulka sababay in Xarunta maanta xariga laga jaray in la hirgiliyo iyo Masuuliyiin kale.

Xaruuntan Cusub ee Maanta Xariga Laga jaray  ayaa waxaa u dhameystiran guud ahaan agabkii kala duwanaa oo ay ku shaqeyn laheyd .

Bar-xuduudeedka Feer-Feer ayaa kamid ah marinada laga soo galo wadanka, waana bar uu isaga kala gudbo ganacsiga ladabada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida gaadiidka wada badeecadaha kala duwan.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here