spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Afduubyada Dadka Shacabka ah oo ku soo badanaya Magaalada Gaarisa

Afduubyada Dadka Shacabka ah oo ku soo badanaya Magaalada Gaarisa

0
92

Jimco 16 Aug 2024 {HMC} Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya waxaa ku soo badanaya afduubka loo geysto dhalinyarada tasoo shacabku ay ku eedeeyaan laamaha ammaanka ee Kenya, halka ciidamada booliskuna ay iska fogeeyaan eedahaasi.

Magaalada Garissa waxaa bilihii la soo dhaafay lagu afduubtay tiro kor u dhafaysa illaa sagaal qof, taas oo la sheegayo inay afduubteen rag wejiyada soo qarsaday. Waxaa afduubkan laga geystay gudaha magaalada iyo daafaheeda.

Ehelada dadkooda la afduubay ayaa tegey saldhigyada booliska iyaga oo ka dalbaday in eheladooda la afduubtay dib loogu soo celiyo sida ay warbaahinta u sheegeen Qaar kamid ah dadka ehelkooda la af duubtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here