spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dadka Baladweyne oo hubka qaatay si ay Iskaga dhiciyaan Burcada.

Dadka Baladweyne oo hubka qaatay si ay Iskaga dhiciyaan Burcada.

0
80

Axad 18, Aug 2024 {HMC} Mudooyinkii Danbe waxaa magaalada Magaalada Baldweeyne waxaa dhibaato xoogan ku haayay Kooxo burcad hubeysan oo dadka magaalada Dagan u geystay kufsi dil iyo dhac kaas oo sababay in amaanka Magaalada uu gacanta ka baxo.

Markii ay u dul qaadan waayeen dhibaadata ay ku haayso burcada hubeysan ayeey dadka deegaanka ay bilaabeen in ay hubkooda qaataan oo ay iska celiyaan burcada iyagoona sameystay Ciidamo madani ah oo sugo amaanka Xaafadahooda

Dadka ku nool Xaafada Xaawa Taako oo Ka mid Ah xafada Magaalada Baldweyne ayaa is a baabulay si ay ugu Hortagaan dhaca iyo dilka ay ku hayaan tuugada ama burcada Xaafadooda, waxaana ay sameeyaan xiliga Habeenkii ah Howlgalo isdabajoog ah oo ay ku la dagaalamayaan Burcada.

Qaar kamid ah dadka is xilqaamay eek a shaqeynaayo sugida Amaanka Xaafadaha Baladweyne ayaa Hiiraanweyn uga waramay sababra ku kaliftay in ay sameeyaan Ciidamo madani ah iyadoo uu magaalada ka jiro maamul ayna joogaan Ciidamo boolis ah.

“Maamulka Waan u tagnay waana La soo Shirnay weeyna ogyihiin in aan amniga Xaafada Sugeeyno wexeeyna inala Garab taaganyihiin hiil iyo hooba iyagoona noo balan qaaday inay naga Difaaci doonan wixii Saa,id naga Noqdo” ayuu Yiri Cabdirisaaq Xaamud Cali oo Ka mid ah Dadka xaafada Xaawo taake ee Magaalada Baladweeyne.

Talaabadan ayeey u arkaan Dadka xaafadaha Baladweyne in ay xal u tahay amni daradii baahsaneyn ee ka jirtay Magaalada Maal mahii ugu danbeeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here