Dheymankii labaad ee ugu weynaa Aduunka oo la helay.

0
123

Khamiis 22, Aug 2024 {HMC} Dheymankii labaad ee ugu weynaa abid ee la helo oo cabbirkiisu yahay 2,492-carat – ayaa laga soo saaray dal Botswana goob macdan oo ay leedahay shirkadda Canada laga leeyahay ee Lucara Diamond.

Waa kii ugu weynaa tan iyo markii dheymankii 3,106-carat ahaa ee Cullinan, laga helay Koofur Afrika sanadkii 1905 kaa oo sagaal qeybood loo qeybiyay, qaar badanna ay haatan yaallaan British Crown Jewels.

Dheymanka ayaa laga helay halka macdanta laga qodo ee Karowe, taasoo ilaa 500km (300 meyl) waqooyi kaga beegan caasimadda Botswana, Gaborone.

Dowladda Botswana ayaa sheegtay in uu ahaa dheymankii labaad ee ugu weynaa abid ee laga helo dalkan koofurta Afrika ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here