{DAAWO SAWIRADA} Baladweyne oo Looga Cabsi qabo Fatahaad uu Sameeyo Wabiga Shabeelle.

0
140

Khamiis 22, Aug 2024 {HMC}  Dadaalo Lagu Xakameeynayo Fatahaad uu Sameeyo Wabiga Shabeelle ayaa ka socoto Halka loo Yaqaano Beerta dhaqane Muudaalle oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dadaalka ugu badan waxaa Wado Bulshada Qaar kamid ah Magaalada iyo dadka Beeraleeyda ah ee deegaanka ku Nool. Qaar ka mid ah shacabka degan Magaalada Baladweyne iyo deegaanada Kale ee hoos-yimaado oo u badan beeraley ayaa wax ka badan labaatan cisho Habeen iyo maalin ka shaqeeyo sidii looga hortagi meelaha ugu jilicsan wabiga Shabelle si uusan Wabiga u Jabsan.

Shaqada xoogeeda ayaa hadda ka socota Beerta muudaale oo culeys badan uu ka jiro waqtigaan lagana walaacsan yahay in la xakameyn waayo awooda biyaha haddii wax is badalin mudo kooban gudahooda sida ay Gudiga Hiiraanweyn usheegeyn.

Biyaha kasoo baxaya Beertan ayaa si toos ah u barakiciya inta badan shacabka degan laamaha kala duwan ee xaafada kooshin ee Baladweyne. Dadka ku howlan xakameynta biyahaan lana daba jooga carabuuxin joogta ah ayaa Hiiraanweyn u sheegay in ay jirto rajo ku aadan xamadeynta biyaha hadii ay helaan taageero dheeraad ah.

inka badan kun jawaan ayaa lageliyay meelaha ugu liita kiliga iyadoo laga haayo ilaalo joogta ah si xal deg-deg ah loogu raadiyo meelaha karkaaradda jabsada. Guud ahaan cabsida fatahaada waxay ka jirtaa baladweyne iyo gobalka intiisa kalle waxaa lix bil ka dib fatahaaddii ugu dambeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here