Ra’iisul wasaaraha Hindiya oo gaaray magaalada kyiv ee caasimadda Ukraine

0
73

Jimco 23, Aug 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Hindiya,Narendra Modi ayaa gaaray magaalada kyiv ee caasimadda Ukraine, halkaa oo la sheegay inuu wadahadal kula yeelanayo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, waana booqashadii ugu horreysay ee ra’iisul wasaaraha Hindiya uu ku tago Ukraine tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Midowgii Soofiyeedkii 1991-dii.

Modi, ayaa sidoo kale bishii hore booqday Moscow oo uu kula kulmay Putin, iyadoo uu hadda sheegay inuu la wadaagayo Madaxweynaha Ukraine fikradihiisa la xiriira sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaadda, laakin hadda dagaalkan wuxuu u muuqda mid xadka ka sii gudbaya, kaddib Ukraine oo ballaarisay weerarradeeda illaa ay gudaha u galeen dhulka Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here