{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha degmada Maxaas oo Kulan La qaatay saraakiisha Ciidanka qeybta 27-aad.

0
132

Jimco 23, Agoosto 2024 {HMC} Guddoomiyaha degmada Maxaas Ciise Maxamuud Cabdi Waayeel ayaa qado sharaf iyo sodhaweyn iskugu jira u sameeyay wafdi saraakiil ciidan ah oo u socday xil wareejinta taliska cusub ee qeybta 27-aad ee Fadhigiisa yahay Gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa kulanka qeyb ka ahaa maamulka iyo bulshada Maxaas ayaana so dhaweyn sare u sameeyay wafdigaasi saraakiisha Ciidan ahaa ee Maanta gaaray Dagmada Maxaas

intii uu kulanka socday ayaa waxaa diirada lagu saaray wada shaqeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Dadka deegaanka ee ku sugan nawaaxiga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Cabdi Waayeel ayaa ballan qaaday in maamulka iyo bulshada degmada Maxaas ay garab taagan yihiin waqti kasto ayna diyaar u yihiin wada shaqeynta Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Dadka deegaanka ee Loo yaqaan Macwisleey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here