Dabley hubeysan ayaa ugu yaraan 43 qof ku dishay koonfurta galbeed ee dalka Pakistan kaddib markii ay si xoog ah ugala soo degeen baabuurtii ay wateen ayna hubiyeen haybtooda, sida ay saraakiishu sheegeen.
Weerarka ayaa xalay ka dhacay jid yaalla gobolka Balochistan, halkaasoo ciidamada ammaanka ay kula dagaallamayaan kooxo gaar ah, qabiilo iyo gooni-goosad doon.
Ragga hubeysan ayaa hubiyay dukumiintiyada aqoonsiga, iyagoo sida la sheegay gaar u madhay dadka ka soo jeedaan dadka Punjab oo la toogtay, ka hor inta aysan gaariga dejin, sida ay saraakiishu sheegeen.
Jabhadda Xorreynta Baloch ee (BLA) ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weeraradii ka dhacay degmada Musa Khel. Sida laga soo xigtay Najibullah Kakar, oo ah sarkaal sare oo maxalli ah, ku dhawaad 30 ilaa 40 dagaalyahan ayaa ka qeyb qaatay.
“Waxay joojiyeen 22 baabuur,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. “Baabuurta u socdaalaysa Punjab ayaa la baaray, waxaana la aqoonsaday shaqsiyaad ka yimid Punjab oo la toogtay.”
BLA waxa ay sheegtay in ay bartilmaansanayeen shaqaalaha milatariga ee ku safraya dharka rayidka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Kahor inta uusan dhicin weerarka, BLA waxay uga digtay shacabka Baloch inay ka fogaadaan wadada weyn, iyagoo intaa ku daray “dagaalkoodu waa mid ka dhan ah militariga Pakistan ee wax qabsi doonka ah”.
“Waxaan si buuxda ula wareegnay dhammaan waddooyinka waaweyn ee Balochistan, anagoo xannibnay gebi ahaanba,” ayay raacisay.
Ra’iisul wasaare Shehbaz Sharif ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku muujiyay “murugada iyo cambaareyn qoto dheer oo ku aaddan weerarka argagaxiso”.
Balochistan waa gobolka ugu weyn Pakistan, inkastoo uu ka kheyraad badan yahay gobollada kale, waa kan ugu horumarka yar
BLA iyo kuwa kale ee gooni u goosadka ah ee Baloch ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah dadka Punjabiga ah iyo Sinhdis-ka ee ka imaanaya meelo kale oo Pakistan ah oo ka shaqeeya gobolka. Waxa kale oo ay bartilmaansadeen shirkadaha tamarta shisheeye ee ay ku eedeeyeen in ay ka faa’iidaysanayaan gobolka iyaga oo aan faa’iido cidna la wadaagin.
Dhacdo tan la mid ah bishii April ee sanadkan, sagaal qof oo rakaab ah ayaa laga soo dejiyay bas ku sugnaa Balochistan oo la toogtay ka dib markii la hubiyay aqoonsigooda.
24-kii saac ee la soo dhaafay, BLA waxay qaaday weeraro xiriir ah oo lagu qaaday xarumo badan oo dowladeed – oo ay ku jiraan saldhigyada booliiska iyo xeryaha ciidamada ammaanka ee gobolka.
Dhowr waddan oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan UK iyo US, ayaa BLA u aqoonsaday urur argagixiso caalami ah.







