Talaado 27 August 2024 {HMC} Dhul go’ ka dhacay waqooyiga gobolka Gonder ee gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa galaaftay nolosha 23 qof, siddeed kalena way ku dhaawacmeen, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana (FBC), masiibadan ayaa barakicisay 2,700 oo qof, waxaana baabi’iyay 1,775 hektar oo dalag ah, waxaana burburay 48 guri oo ku yaalla 11 degmo oo miyi ah.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo 24-kii Agoosto 2024 mar kale dhul go’ ka dhacay deegaanka Abna Kebele ee degmada Tselemti ee gobolka Waqooyi-galbeed ee Tigrayga, halkaas oo 10 qof ay ku naf waayeen lix kalena la la’yahay.
Maamulka deegaanka ayaa heegan ku jiray ka dib digniino ka soo baxay machadka saadaasha hawada ee Itoobiya ee ku saabsan khatarta sii kordheysa ee dhul go’a sababtoo ah roobab lixaad leh oo la filayo.
Roobabkan ayaa ah kuwo dhibaato badan ku haya gobollada dalka Itoobiya , iyadoo dhul go’ uu ku dhuftay degmooyin badan oo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta.
Bishii la soo dhaafay, dhul go’o xiriir ah oo ka dhacay aagga Gofa ee gobolka koonfureed ee Wadanka Itoobiya ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 260 qof, waxaana ku barakacay in ka badan 15,000 oo qof.
Maamulka deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in la sameeyay guddi gurmad u fidiya dadka ku waxyeeloobay dhul go’a aan Cusub.



