Talaado 27, August 2024 {HMC} Ukrain ayaa sii wada weerarada ay ku hayso gobolka Kursk ee Ruushka, sida uu sheegay taliyaha ugu sareeya ee militariga Kyiv.
General Oleksandr Syrskyi ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay gacanta ku hayaan 1,294 kilomitir oo isku wareeg ah (500 square miles) oo ka mid ah dhulka Ruushka iyo 100 deegaan. Ilaa 594 askari oo Ruush ah ayuu sheegay in ay gacanta ku dhigeen.
Toddobaadkii hore, madaxweyne Zelensky wuxuu sheegay in Ukraine ay maamusho in ka badan 1,250 kilomitir oo isku wareeg ah.



