Talaado 27, August 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa si rasmi ah u ansixiyay islamarkana taageeray in Raila Odinga uu noqdo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo AUC.
Munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi maanta, ayuu Madaxweyne Ruto ku muujiyay kalsoonida uu Odinga ku qabo inuu hoggaamiyo AUC, sababo la xiriira xirfaddiisa hoggaamineed.
“Waxaan ku kalsoonahay inuu samayn doono wax kasta oo uu awoodo oo uu samayn doono wax kasta oo suurtogal ah si uu u keeno isbeddel wanaagsan Si uu Afrika uga dhigo mid lagu faan islamarkana xoog leh,” ayuu yiri.
Qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolka Bariga Afrika ayaa Odinga u xaqiijiyay taageeradooda.



