{DAAWO SAWIRADA} Itoobiya Waxa ay Diyaar u Tahay in ay Wada hadal la gasho Soomaaliya.

0
87

Friday 30, August  2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya oo shir jaraa’id kuqabtay magaalada Addis Ababa, goor dhaw ayaa ka hadlay xaalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo hadlayay 18 daqiiqo ayuu soo qaaday 4 qodob.

Xogta wada hadalka Ankara iyo Nairobi, ayuu sheegay in sababaha loo heshiin wayay ay kamid tahay ergada ay dirsatay Soomaaliya oo uu ku eedeeyey Tayo xumo iyo xalalka oo uu sheegay in ay balaarinayeen oo ay abuurayeen wax aan meeshaba oolin.

– ⁠Madaxda DFS Iyo xubnaha wada hadalka loo diray ayuu kusifeeyey kuwa aan dawladnimo waxba ka aqoon una dhaqmaya sidii in ay NGOs yihiin, go’aanada Soomaaliya ayuu sheegay in aysan dawladnimo shaqo ku laheyn oo ay madaxdu yihiin kuwa Activistayaal ah.

Itoobiya ayuu sheegay in ay Soomaaliya u hurtay wax kasta, dhiig loo dhintay, lacag & hub si nabada & dawladnimada loo saldhigo, laakiin ay Muqdisho ay abaal celin sameyn weyday, madaxduna u dhaqmayaan sidii dad suuqa jooga, oo aan go’aan dawladeedba eegeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here