Isniin 2, sep 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho ku xannibtay Diyaaradda Kenya, iyada oo loo haysto in aysan wax xuquuq ah siin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo 24 saac diyaaraddu ku xannibtay Garoonka Nairobi, ka dib markii uu baaqday duulimaadkeedii maalin ka hor dalka iman lahaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in diyaaraddu ay magdhow siiso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ku tacadiday.



