spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Wasiir Wasaaradda Warfaafinta iyo Wafdi Kale oo Gaaray Washington

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Wasaaradda Warfaafinta iyo Wafdi Kale oo Gaaray Washington

0
69

Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Seattle Gobolka Washington ee dalka Maraykanka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee SeaTac ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Washington oo si weyn ugu diyaar garoobay soo dhoweynta Wasiir Al-Cadaala iyo wafdigiisa oo qeyb uu ka ahaa xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington DC ee Mudane Abuukar Goley.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle Marwo Sahra Faarax oo in ka badan 30 sano u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas iyo xubno kale oo hormuudka Jaaliyadda ah ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga wasiirka.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington uga mahadceliyey soo dhaweynta wafdigiisa safarka shaqo ku jooga dalka Mareykanka, isagoo ka balan qaaday inuu waqti iyo kulamo la qaadan doono, warbixina uu ka siin doono xaaladda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here