Isniin 18, Nov 2024 {HMC} Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA oo gacanta ku dhigay nin katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo NISA sheegtay in kooxda u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada.
Ninkan ay ciidamada NISA gacanta ku dhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji), waxaana la sheegay in xubin muhiim ah ka ahaa shabakadda Al Shabaab u qaabilsan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo hubinta gaadiidka qaraxyada loo adeegsado.






