Ciidamada Jubaland iyo AS oo ku dagaalamay Deegaanka Buula Xaaji ee Jubadda Hoose

0
82

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Faahfaahino dheerad ah ayaa laga helayaa Dagaal Khasaaro dhaliyay oo Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo Xaaji Ee Gobalka Jubada Hoose.

Dagaalkaan oo socday muddo ku dhow 40 daqiiqo ayaa la xaqiijiyay in Koox ka tirsan AS ku qaadeen Fariisimo Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Birjeex Maamulka Jubaland ku leeyihiin Deegaanka Buulo Xaaji ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo sida uu laanta VOA-da afkeedi Soomalaiga u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir. .

Afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in laba askari ay kaga geeriyootay dagaalka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray, dhinaca kale waxa uu xusay in AS ay goobta dagaalka kaga tageen 9 meyd oo dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, halka uu tilmaamay inay horey usii qaateen meydad iyo maleeshiyaad kale oo dhaawac ah.

Kooxda AS oo ku xooggan Jubbooyinka ayaa markaan loo arkaa inay ka faa’iideysanayso Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo Maamulka Jubaland.

Xaaladda degaanka Buula Xaaji ah mid haatan degan, Deegaankaan ayaa 65 km dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, dhowr jeer oo AS ay soo weerartay degaankaan, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here