Talaado 31, Dec 2024 {HMC} Wafdi Odayaal ah oo uu hoggaaminaayay Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan si ay u xaliyaan xiisadii ka dhalay dilkii askarta
Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Baledweyne ayaa si kooban uga wabixiyay ujeedka safarkooda ee Baledweyne.
Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ah Ugaaska beesha Xawaadle ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin sidii xal looga gaari lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.
“Imaam soo dhawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuisuf.
Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax kasoo qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, islamarkaana ayagoo kusii jeeda gobolka Hiiraan maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ay ku dileen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.



