Mareykanka oo wajahaya dagaal dhaqaale iyo canshuuro dheeraad ah

0
66

Axad, 02 Feb 2025{HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday go’aanno adag oo canshuuro dheeraad ah ay ku soo rogeen dalalka Mexico, Canada iyo China.

Trump ayaa saxiixay seddex wareegto, isaga oo 25 boqolkiiba canshuur ah ku soo rogay badeecadaha uga yimaada Mexico iyo Canada, iyo canshuur 10 boqolkiiba oo ay ku soo rogeen badeecadaha laga keeno Shiinaha.

Ka dib go’aanka Trump ayaa waxaa tillaabooyin qaaday dalalka Mexico, Canada iyo China.

Mexico waxay diyaarinaysaa canshuuro aargoosi ah oo u dhaxeyn doona 5 boqolkiiba ilaa 20 boqolkiiba – kuwaasi oo la saari doono alaabaha ay u dhoofiyaan Marekanka sida birta iyo aluminium.

Sidoo kale, Raiisel wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa sheegay in ay qaadayaan tillaabo aargoosi ah, iyadoo 25 boqolkiiba canshuur ah lagu soo rogay badeecadaha Mareykanka.

Dhinaca kale, Shiinaha waxaa uu cambaareeyay go’aanka Trump ee canshuuraha uu ku soo rogay, iyada wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga dalkaasi sheegeen in ay tillaabooyin qaadi doonaan.

Sidoo kale, dalalka Japan iyo Koofurta Kuuriyada ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Trump ee la xiriira canshuuraha dheeraadka ah, iyaga oo tilmaamay in tillaabooyinkaasi saameyn ku yeelan karaan dhaqaalaha Caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here