Jowhar; 24 February 2024 {HMC} Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle oo kaashanaysa hay’ada UNICEF, ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qabatay Shirka Wadatashiga ku saabsanaa ka hortaga leexinta gargaarka iyo kor uqaadita hufnaanta adeegyada Gargaarka. Waxa laga dooday doodaha muhiimada ay leedahay sii leesaga kaashan lahaa ka hortaga arima leexsashada gargaar.
Shirka waxaa goob joog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle Mudane Cumar Maxamad Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Bariise.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa shirka ku soo bandhigay caqawadaha jira ee arrimaha leexinta gargaarka qorshaha wasarada ee sidoo loogu hortagi lahaa iyo sidii loo soo saarilahaa sharciyad mideysan oo loogu hortago arrimaha leexinta gargaarka.
Sidoo kale Xoghayaha degmada Jowhar Mohamud Hassan Bariise ayaa isna soo bandhigay hindisa ku aadan arrimaha leexinta gargaarka ee Degmada iyo waxyaabaha ugu dagan degmada arrimaha leexinta gargaarka.
Wadatasgigaan waxaa loogu talagalay in lagu ogaado caqabadaha muhiimka ah ee ka hortagaya bixinta adeeg hufan iyo in laga qaado tallaabooyin ka hortag ah oo looga hortagayo leexinta gargaarka.
Shirka waxaa kasoo qayb galey Heerarka kala duwan ee wasarada dowladda, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah, ururada bulshada, dadka baahiyaha gaarka leh.
Shirka intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in Siyaad guud laga yeesho Arrimaha leexinta gargaarka iyo sidii loo heli lahaa Guddi ka hortag Arrimaha leexinta gargaarka oo ka kooban Dowladda, hay’adaha ka shaqeyo arimaha gargaarka, bulshada rayida , ganacsatada, culumada iyo dadka baahiyaha gaarka qabo.




