Jowhar; 7 nev 2023 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada ee El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa maanta shir gudoomisay Shirka iskubuuclaha ahaa Isku xirka Howlaha la xiriiro El Nino ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada ee El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa furtay shirka ayadoo ka hadashay xalaadihii roobka ka da’ay deegaanada Hirshabell
gaar ahaan magaalooyinka beledweyn iyo Jowhar iyo saameynta uu geystay.
Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe , Hay,adaha Gargaarka ka shaqeeyo sidoo kale kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) waxaa ugu qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Hay,adaha Gargaarka qeybo kamid ah.
Ujeedada ugu muhiimsan ee kulankan ayaa ahayd sidii wax looga qaban lahaa loona yaren lahaa daadadka roobabka wata iyo wabiga Shabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaa diyaarinta iyo qorshayaasha wax ka qabashada si wadajir ah.
Ugu danbeyntii, waxaa shirka soo xertay Gudoomiyaha Guddiga Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayadoo aad ugu hadashay sidii dhibaatooyinka ay geysteen daadadkii ku dhuftay Jowhar iyo Beledweyn loogu gurman lagaa loona yaren lahaa daadadka la filan karo iney waqti walbo dhacaan.