26,Dec 2024 {HMC} Doodo u dhaxeeyo kaalinta haweenka iyo dhalinyarada ee amniga oo lagu qabtay Moqokori 26-December 2024 – Wasaaradda Amniga Hirshabelle oo maalmahan kulanno dadweyne ku qabaneysay degmada Moqokori ayaa so qaban qaabisay dood-dadweyne oo ujeedkeedu ahaa in lagu taxliiliyo kaalinta ay bulshada ku yeelan karto sugidda amniga iyo kahortagga xagjirnimada kaddib muddo kabadan 12 sano oo ay kooxaha Nabad-diidka ah ka talinaayen deegannadani Doodda waxaa marka hore lagu soo bandhigay xaaladaha amni ee hadda ka jira deegaanka, iyo sida ay bulshada u qayb qaadan karto sidii loo sii xoojin lahaa amniga iyo xasiloonida, waxana lagu faah-faahiyay kaalinta ay qeyb walba ku leeyahiin amniga & la shaqeynta booliiska
• Dhexdhexaadinta iyo Xallinta Khilaafaadka: Haweenka waxay badanaa yihiin dhexdhexaadeyaasha bulshada. Waxa ay ka qeyb qaataan xallinta khilaafaadka iyadoo ay isku xiraan dhinacyada isku haya, gaar ahaan marka ay khilaafku yahay mid hooseeya ama degaameed. Haweenka waxay yihiin kuwo awood u leh inay xal u helaan arrimaha khilaafaadka iyadoo aan loo baahnayn in la qaato tallaabooyin xoog leh.
• Korinta Wacyigelinta Bulshada: Haweenka waxay inta badan door muhiim ah ka ciyaaraan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan qoyska iyo bulshada guud ahaan. Waxay ka caawiyaan booliiska iyo hay’adaha amniga inay si wanaagsan u fahmaan dhibaatooyinka gaarka ah ee bulshada, gaar ahaan arrimaha amniga ee la xiriira dumarka, carruurta, iyo dadka danyarta ah.
• Ka Hortagga Xagjirnimada: Haweenka waxay door weyn ka ciyaaraan ka hortagga xagjirnimada iyo burburinta kooxaha xagjirka ah. Iyaga oo kaashanaya hay’adaha amniga, waxay ka qeyb qaataan barnaamijyada wacyigelinta iyo xalinta dhibaatooyinka sababaya in dadka qaar ay ku biiraan kooxaha xagjirka.
• Xoojinta Iskaashiga Booliiska iyo Bulshada: Haweenka waxay noqon karaan buundo u dhaxaysa bulshada iyo booliiska. Iyaga oo si wanaagsan u fahmaya dhibaatooyinka gaarka ah ee ka jira bulshada, waxay awood u leeyihiin inay gacan ka geystaan dhisidda xiriir adag oo dhex mara booliiska iyo bulshada.
• Dhiirrigelinta Iskaashiga Amniga: si lamid ah qeybaha Buslhada Dhalinyarada waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kor u qaadista isku xirnaanta bulshada iyo booliiska. Waxay ka caawiyaan booliiska in ay si toos ah ula xiriiraan bulshada, gaar ahaan dhallinyarada kale. Dhalinyarada waxay si fudud u fahmaan dhibaatada amniga, waxayna gacan ka geysan karaan sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhexmara booliiska iyo bulshada.
• Ka Qayb Qaadashada Kormeerka Amniga: Dhalinyarada ayaa si toos ah uga qeyb qaadan kara howlaha kormeerka amniga ee xaafadaha iyo degaannada. Waxay iskaashi la yeelan karaan booliiska si ay uga hortagaan dambiyada iyo arrimaha amni darro ee ka jira deegaanadooda. Ka qayb qaadashada dhalinyarada ee amniga waxay kor u qaadeysaa dareenka bulshada ee ku aaddan mas’uuliyadda amniga iyo nabadgelyada.
• Ka Hortagga Xagjirnimada iyo Dagaalka: Dhalinyarada ayaa sidoo kale ah kuwo muhiim u ah ka hortagga xagjirnimada iyo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah. Iyaga oo ka qeyb qaadanaya barnaamijyada wacyigelinta iyo xalinta khilaafaadka, dhalinyarada waxay ka caawin karaan bulshada inay fahmaan halista ka imaan karta xagjirnimada.
Kulannada dadweynaha iyo doodaha la xiriiro ee ay Wasaaradda Amniga ee HirShabelle ku qabatay degmada Moqokori ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu doonayo in bulshada loo dhiirrigeliyo inay qaataan kaalinta ay ka ciyaari karaan sugidda amniga iyo ka hortagga xagjirnimada. Waxaa la rajeynayaa in kulamadan ay horseedaan dadaallo xooggan oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka, iyadoo la dhiirrigelinayo wada-shaqeyn dhexmarta hay’adaha amniga iyo bulshada Si loo gaaro horumar waara, waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyigeliyo arrimaha amniga iyo doorka ay ka qaadan karaan sidii loo dhisi lahaa bulsho nabdoon oo ka hortagta xagjirnimada.