Jowhar; 23 Oct 2023, {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada & Dabaylaha El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa maanta shir gudoomisay Shirka Isku xirka Howlaha la xiriiro Dufaanta El Nino ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada & Dabaylaha El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa furtay shirka ayadoo ka hadashay xalaadihii roobka ka da’ay deegaanada Hirshabelle iyo saameynta uu geystay.
Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe ,Maamulka Dagmada Jowhar,Hay,adaha Gargaarka ka shaqeeyo sidoo kale kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) waxaa ugu qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Gudoomiyaha Degmada Beledweyn iyo Hay,adaha Gargaarka qeybo kamid ah.
Ujeedada ugu muhiimsan ee kulankan ayaa ahayd sidii wax looga qaban lahaa daadadka roobabka wata iyo wabiga Shabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaa diyaarinta iyo qorshayaasha wax ka qabashada si wadajir ah, waxaan uga shaqeyneynaa sidii loo heli lahaa jawaab mideysan oo waxtar leh si wax looga qabto caqabadaha ay keeneen daadadka El Nino.
Ugu danbeyntii, Waxaan bogaadinaynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan daneeyayaasha ku lugta lahaa kulankan muhiimka ah.