{DAAWO SAWIRADA} Cali Guudlaawe oo jiidaha dagaalka kula tukaday ciidamo & Saraakiil

0
116

Axad 30, March-2025 {HMC}  Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminaya howlgalka dabar-goynta Al shabaab ayaa maanta jiida hore ee dagaalka kula dukaday salaada ciidul-fidriga Ciidamada Qalabka Sida, kuwa deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan.

“Ma-soomaayaasha waxaan dagaal adag kala hortagnay anaga oo sooman welina waxaan jiida dagaalka u joognaa sidii loo soo af-jari lahaa.” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo aan la sheegin magaca halka uu kula tukaday ciidamada.

Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku baaqay in loo midoobo howlgalka dabar-goynta Al shabaab

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here