Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo saaka markale ka Soconaya deegaanka Abooreey.

0
147

Arbaco, 09, April 2025 {HMC} Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowlladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Xubno katirsan kooxda AS ayaa maalintii labaad ka soconaya deegaanka Abooreey ee Hoostagta Degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa tibaaxaya in markale saaka leesku noqday dagaal culusna uu ka socda deeganka Abooreey.

Gudoomiyaha Deegaanka Abooreey oo la hadlay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in inta badan laga saaray deeganka kooxda AS lagana sifayn doono inta ay ku hareen.

Wali lama helin Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka markale ka qarxay deegaanka Abooreey.

Ciidanka Dowllada ayaa dagaalkii shalay guulo ka shegtay iyagoo sheeegay in dagaalyahano badan looga dilay kooxda AS.

Abooreey ayaa kamid ah deegaanadii la xureeyay wajiga koobaad ee dagaalka lagula jiro Kooxda AS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here