Talaado 29, April 2025 {HMC} Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa wada qorshesiinaya Madaxweyne Donald Trump awood ballaaran oo uu ku dallaci karo qaxootiga doonayamagangelyo gudaha Maraykanka kharashaad aad u culus — iyagoo soo jeediyay in ugu yaraan$1,000 laga qaado codsi kasta.
Qorshahan ayaa ka mid ah liis dheer oo ah kharashaad cusub ama kordhin lagu sameynayo
lacagaha socdaalka, sida ay ka doodayaan Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiillada oo ay
Jamhuurigu hoggaamiyaan, xilli xisbiga uu isku dayayo inuu sharciyeynta ku meel-mariyo
ajandaha siyaasadeed ee Trump.
Sida ay muujinayaan xogaha ugu dambeeyay ee Xaiska Tirakoobka Amniga Gudaha, ku dhawaad54,000 oo qof oo ajaanib ah ayaa magangelyo ka helay Maraykanka sannadkii 2023.Dalka Afghanistan — oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ka yimaadeen — ayaa $1,000 udhigmo mushaarka labo sano iyo badh. Dalka Venezuela, celcelis ahaan, waxaa saddex biloodlagu kasbadaa lacagtaas.
“Madaxweyne Trump iyo Jamhuuriga Aqalka Wakiillada waxa ka go’an inay soo celiyaan
nidaamka socdaalka, xoojiyaan amniga qaranka, isla markaana xakameeyaan maamulka xaddhaafka ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga xilli la shaacinayay qoraalkasharcigan.
Guddiga Cadaaladda — oo ka mid ah guddi-hoosaadyada dejinta miisaaniyadda Aqalka Wakiillada— ayaa diyaarinaya qaybtiisa gaarka ah oo ka mid noqonaysa hindise-sharciyeed baaxad leh ooJamhuurigu doonayaan inay ku meel-mariyaan ajandaha Trump ee dhimista canshuuraha,xakameynta socdaalka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka tamarta.
Qayb ka mid ah sharcigan ayaa siinaysa Trump awood dheeraad ah oo uu ugu dallaci karo
lacagahaas badan dadka raadinaya magangelyo iyo codsadayaasha kale ee socdaalka, taasooshardi looga dhigay sii joogista gudaha Maraykanka.
Xeerku wuxuu dhigaya in codsi kasta oo magangelyo laga qaado ugu yaraan $1,000 — taasoonoqonaysa markii ugu horreysay taariikhda Maraykanka ee qaxooti lagu amro inay bixiyaan
Waxaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa khidmad $1,000 ah dadka heysta oggolaanshaha kumeel-gaarka ah (parolees), $550 lixdii biloodba mar oo lagu bixinayo ruqsadda shaqada, iyo$1,500 oo lagu dalbanayo beddelka xaaladda si loo helo kaarka cagaaran (green card) hortiisagarsooraha socdaalka.
Sidoo kale, Jamhuurigu waxay doonayaan in la saaro khidmad aad u culus oo ah $8,500 qof kastaoo doonaya inuu kafaala-qaado ilmo ku jira xabsiyada dowladda federaalka — iyadoo $5,000 lagasoo celinayo dhowr sano kadib oo keliya haddii ilmuhu aan lagu xukumin in la masaafuriyosababo la xiriira maqnaansho maxkamadeed.
“Lacagtaas waxay hor istaagi doontaa inta badan dadka doonaya inay kafaala-qaadaan
carruurta,” ayuu bartiisa bulshada ku qoray Aaron Reichlin-Melnick, oo ah khabiir sare oo katirsan Golaha Socdaalka Maraykanka (American Immigration Council).
Hindise-sharciyeedkan ayaa sidoo kale soo jeedinaya in la maalgeliyo shaqaaleynta 10,000 oowakiillo cusub oo ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) iyo baarayaasha dambiyadaee ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha.
Waxaa intaas dheer, xeerku wuxuu qorsheynayaa in dhammaan dacwadaha sharciyada tartankaganacsiga ee ay gacanta ku hayso Guddiga Ganacsiga Federaalka (FTC) lagu wareejiyo WaaxdaCaddaaladda, taasoo meesha ka saaraysa awood muhiim ah oo ay leedahay hay’adda madaxbannaan.
Tallaabadan ayaa markii hore lagu soo jeediyay xeer kale oo sanadkan hore la horkeenay,
waxaana si diirran u taageeray Elon Musk oo ah la-taliyaha Trump ee hagaajinta wax ku
oolnimada dowladda.



