Axad 04, May 2025 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qof oo rayid ah, kuwaasi oo lagu dilay bartamaha magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in laba ruux rasaas lagu furay, xilli ay ku sugnaayeen xarruun ganacsi oo u dhow Xarruunta gobolka Nugaal.
Dableyda geysatay dilka ayaa goobta isaga baxsaday, iyada oo halkaasi ay soo gaareen laamaha amniga ee gobolka Nugaal.
Booliiska ayaa wada baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen, sababta ka dambeysay dilka.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco






