Booliska Puntland oo Gacanta ku dhigay nin horay Dil ugu Xukunaa oo Xabsiga Gaalkacyo Ka baxsaday.

0
78

Sabti, May 10, 2025 {HMC} Taliska Police ka Qaybta Gobolka Puntland ayaa ku guulaystey inay Gacanta ku dhigaan Xukume.C/qani Saleebaan Jaamac (Sayloor)

Qabashada Xukumanaha ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay Ciidamada Macawisleyda iyo dadka shacabka ah ee Deeggaanada Wisil iyo Bacaadwayne.

Xukumanaha ayaa ka tirsanaa Shabakad dad badan ku dishay Gobolka Mudug Gaar ahaana Magaalada Gaalkacyo.

C/qani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa horay waxaa xukun dil toogasho ah ku riday Garsoorka Puntland, waxaana mudo kadib uu ka baxsaday xabsi ku yaalo magaalada gaalkacyo kaas oo lagu haayay inta looga fulinaayo xukunkii lagu riday.

Taliska Qaybta Mudug iyo Guud ahaanba laamaha ammaanka Maamulka Puntland oo baadi goobayay xukumanahan isla markaana Madaxiisa lacag dul saartey ayaa lagu qabtey Deegaanka Bacaadwayne ee Gobolka Mudug Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here