Talaado, 27 May 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah uga furay garoonka Stadium Muqdisho kulan xiiso leh oo u dhexeeyay Xiddigaha Halyeeyada Afrika iyo Xiddigaha Halyeeyada Soomaaliya, kaas oo kusoo dhammaaday natiijo dhan 8-4 oo ay guushu ku raacday Xiddigaha Afrika.
Kulankan oo lagu qabtay garoonka ugu weyn dalka, ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taageerayaal aad u fara badan ay buux dhaafiyeen garoonka si ay u daawadaan ciyaarta taariikhiga ah.
Waxaa ciyaarta kasoo qeyb galay halyeeyo caan ah oo horey ugu soo ciyaaray qaaradda Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha.
Ciyaartan ayaa xambaarsaneyd farriin weyn oo caalami ah, taasoo ah in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay xasillooni, amni iyo horumar, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Waxay ahayd muuqaallo cad oo dunida tusaya in Muqdisho ay martigelin karto munaasabadaha waaweyn ee ciyaaraha iyo isu imaatinka bulshada heer qaran iyo caalami ah.



