Maxaa Ka jiro in Ciidanka Puntland aay la wareegay deegaanka Tog Miiraale?

0
35

Sabti 31, May 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado qaatay oo ka dhacay deegaanka Togga Miiraale ee gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay Daacish kaga sugnaayeen deegaanka Togga Miiraale.

Afhayeenka ciidanka howlgalka ka wada dhulka Buuraleyda ayaa sheegay in ay dagaal kula wareegeen guud ahaan deegaanka Togga Miiraale oo ah mid muhiim ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay sugayaan Amniga deegaanka Togga Miiraale, ayna ka saarayaan miinada iyo waxyaabo qarxa oo ay uga tageen Daacish.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Togga Miiraale oo maalmihii la soo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidanka Puntland iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here