Abaabul Ka Dhan ah AS oo ka Socdo Hirshabeele iyo Masuuliyiin……

0
39

Sabti 31, May 2025 {HMC} Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay abaabulka howlgallo ka dhan ah AS, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay in ay AS xoogga soo saareen gobolka Shabeellada Dhexe, ayna kaashanayaan

“AS waxaa ay ka soo tageen Jilib iyo Shabeellada Hoose, iyaga oo ka soo gudbay wabiga, qorshey wataan, waxaan ka hortaaganahay Wargaadhi, Caddaale iyo Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, waana laga diiday gobolka Hiiraan” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here