Sabti 14 June 2025 {HMC} Waxaa lagu wadaa in maanta la wareegaya Xilka Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Xafladda xil-wareejin ah oo lagu qabanayo xarunta dhexe ee NISA ee Habar Khadiijo, ayaa waxaa ka qeyb gali doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo madaxda laamaha amniga.
Xilka waxaa Mahad Salaad ku wareejinaya taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si uu isaga wareejiyo xilka.
Xil-wareejintan ayaa imaaneysa ka dib markii dhawaan Golaha Wasiiradda ay mar kale Taliya NISA u magacaabeen Mahad Maxamed Salaad.



