spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

0
29

Arbaco 25 june 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanada kala ah Masaajid Cali Guduud iyo Geelgub oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Abuukar Macalin Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay la wareegista deegaanadaan oo bilahii lasoo dhaafay ku suganayeen Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay Afhayeenka in ciidamada is kaashanaya ay haatan ku howlan yihiin miino baaris, islamarkaana ciidanku ay wali baacsi kusii hayaan firxadka Al-shabaab.

Deegaanada Masaajid Cali Guduud iyo Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee maleeshiyada Al-shabaab gacanta ku hayeen bilahii lasoo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale dooneysa iney dib uga saarto Al-shabaab deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo ay ugu horeyso degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here